Sida ay Warbaahinta u sheegeen ilo madax banaan Qaadka la keeno Muqdisho ayaa maanta waxaa Garoonka Diyaaradaha loogu soo dal dalayaa Gawaarida NISA gaar ahaan kuwa C/bilaha.
Baabuurtii horey u soo dal dali jirtay Qaadka ayaa waxaa maanta loo diiday in ay galaan ama ay qaad ka soo qaadaan Garoonka Diyaaradaha, maadama wadooyinka ay xiran yihiin.
Ciidanka NISA ayaa Qaadka soo dhigaya isgoysyada si ay ugu wareejiyaan dadka ka ganacsada.
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in berri aysan soo degi doonin Diyaarad kana duuli karin Garoonka Aadan Cadde, maadaama ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.