Labo maalmood kahor ayaa maamulka gobolka Banaadir waxa uu soo saaray amar lagu joojinayo socodka gaadiidka ee wadooyinka Muqdisho maalmaha Talaadada iyo Arbacada taasoo xalay saqdii dhexe dhaqan gashay.
Dadka lugeynaya wadooyinka iyo kuwa fadhiya hareeraha wadooyinka ayaa hadal haya doorashada madaxweynaha iyo ka hadalka wadooyinka xiran.
Wadooyinka laamiga ah ayaa la dhigay ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira milatari, boolis, nabadsugid iyo booliska AMISOM, halka wadooyinka ciida ah ee soo gala laamiyada lagu gooyay ciid iyo dhagaxaanta shubka ah si aanay gaadiidka uga soo gudbin.
Waxaa diiradda aad loo saarayay sugidda ammaanka agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde oo ay ka dhici doonto doorashadu.
Aag duulimaadka ka caagan ayaa sidoo kale jiri doona inta doorashada ka horaysa.
Qatarta ugu weyn ee dhinaca amniga ee Muqdisho ka jirta ayaa ah weerarada isqarxinta ah ee ururka Al-Shabaab kuwaas oo bartilmaameedkeedu yahay xarumaha dawladda iyo huteelada ay daganyihiin xildhibaanada baarlamanka.
Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa xildhibaanada labada aqal ee uu ka koobanyahay baarlamanka Soomaaliya inay doortaan madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona Soomaaliya, waxa jagadaas ku tartamaya 22 murashax oo dhamaantood rag ah.
Xigasho BBC