XOG XASAASI AH:- Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo ku dhex milmay ololaha Doorashada & Dacwad laga gudbiyay

0

Inta badan madaxweynayaasha maamulada dalka ayaa ku sugan magaalada Muqdisho iyagoo ku howlan ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Muqdisho u jooga ololaha waxaa ka mida: Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/kariin Xuseen Guuleed, C/weli Maxamed Cali iyo Cali C/llaahi Cosoble oo ka taliya maamulada Koonfur Galbeed, Galmudug, Puntland iyo Hirshabeelle.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweynayaasha ay olole ugu jiraan dib u doorashada madaxweyne Xasan Sheekh oo markii labaad u sharxan jagada madaxweynaha dalka, wxaaana jirta dacwad ay gudbiyeen musharixiinta u taagan madaxweynaha oo ku saabsan doorka madaxweynayaasha maamulada oo loo diray beesha caalamka iyo Guddiga Anshaxa Doorashada.

Warar hore us oo baxay ayaa sheegayay in dowladda Itoobiya ay cadaadis sartay madaxda maamul goboleedyada isla markaana ay qaar diidayaa ku qasbanaadeen inay u ololeeyaan madaxweyne Xasan Sheekh.