WAR DEG DEG:- Dowlada Soomaaliya oo ku dhawaaqday Go'aan Culus iyo Duulimaadyada Magaalada Muqdisho oo la joojiyay

0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali ayaa Wakaaladda Wararka Ee SONNA u sheegay in Dowladda Federaalka ay Joojisay dhamaan Duulimaadyada Magaalada Muqdisho 8-da Bisha oo ah Arbacada soo socota islamarkaana ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashada Madaxweynaha oo lagu qabanayo Afisiyoone oo u dhaw Garoonka Aadan Cadde ayaa dhici doonta Haddii Alle idmo 8-bisha February oo ah Arbacada soo socota,waxaana Magaalada Muqdisho ay Dowladda Federaalka ku soo rogtay Bandaw Labo Maalin ah oo ka biloowday Qorax dhicii Galabta.