AKHRISO:- Maxaa laga bartay Su’aalo weydiinta Musharaxiinta u taagan Madaxweynaha

0

Su’aallo weydiinta  Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya oo Saaka bilaabatay ayaa Goordhow la soo gabagabeeyay inkastoo in badan oo ka mid ah Musharaxiinta aysan soo xaadirin Su’aallo weydiinta, hadana waxaa ka qeyb galay tiro yar oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

Dooda oo aheyd labo qeybood ayaa qeybtii Hore waxaa ka qeyb galay Musharaxiinta kala ah:

Axmed Maxamed Cabdi, Sakariye Xaaji Maxamuud  Cabdi  iyo Bashiir Raage Shiiraar.

Sidoo kale qeybtii labaad ee Su’aallo weydiinta Musharaxiinta ayaa waxaa ka qeyb galaya Musharaxiinta kala ah.

Maxamuud Axmed Nuur Tarsan, Cabdulaahi Ciilmooge Xirsi, Maxamed Cali Nuur Ameeriko ‘ Maxamuud Maxamuud Culusow ,Xaaji Maxamed Yaasiin iyo Maxamed Axmed Jabarti.

Musharaxiinta Xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka kooban 23 Musharax ayaa Su’aallo weydiinta waxaa ka qeyb galay 9 Musharax oo keliya.

Musharaxiinta ayaa waxaa la weydiinaayay Su’aallo la xariira waxqabadkooda.

Musharax kaste waxaa uu haystay 2 daqiiqo oo uu Su’aasha uga jawaabayay