Xildhibaankii ugu dambeeyay Golaha Shacabka ayaa galabta lagu doortay magaalada kismaayo xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Xildhibaanka Galabta la doortay ayaa ahaa xildhibaankii ugu dambeeyay 5 xildhibaan ee lagu celiyay Maamul goboleedyada.
Doorasho Adag oo galabta ka dhacday Kismaayo ayaa markii ugu dambeysay waxaa kusoo baxay Cabdulaahi Maxamed Aadan oo ku magac dheer Shaacir.
Xildhibaan Shaacir ayaa ahaa xildhibaankii horay loo celiyay oo la diiday Natiijadii uu kusoo baxay.