Wararkii ugu danbeeyay ee doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegaya inay olole culus oo doorasho uu hareeyay magaalada, iyadoo ay is arkayaan musharaxiinta iyo xildhibaanada.
Waxaa ololaha ka mida musharaxiin ka tirsan 23-ka qof ee u taagan xilka madaxweynaha oo qaarkodo la sheegay wadahadallo kadib in lagu nqanciyay inay ka haraan tartanka doorashada madaxweynaha.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ilaa afar musharax ay ogolaadeen inay ka tanaasulaan ololaha doorashada, iyadoo ay socdaan waanwaan hoose oo lagula jiro musharaxiintaasi oo uu ugu horeeyo Caddow Cali Gees, waxaana la hadal hayaan inay ka mid yihiin Musharaxiinta C/raxmaan Faroole iyo Bashiir Raage.
Hore waxaa isu casilay Eng. C/llaahi Cali Xasan kadib markii uu heshiis hoose la galay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay isku beel kasoo wada jeedaan.
Musharax Caddow Cali Gees ayaa beeniyay inuu wax tanaasul ah u sameeyay Xasan Sheekh, isla markaana aanu ku talo jirin inuu ka tanaasulo tartanka doorashada madaxweynaha.
48-saac ee soo socota ayaa lagu wadaa inuu sii xoogeysto ololaha doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo Arbacadda ka dhici doona magaalada Muqdisho.