Madaxweynaha maamulka Khaatuma oo Maanta gaaray Magaalada Hargeysa ayaa ka dibna u duulay Magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti , waxaana halkaasi uu uga qeyb galaya Wadahadallo u dhaxeeya Maamulada Khaatumo iyo Somaliland.
Cali Khaliif Galeyr ayaa xalay Safar dhanka dhulka ah waxaa uu ku gaaray Magaalada Burco ka dib markii loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Magaalada Buuhoodle.
Wadahadalada maamulada Somaliland iyo Khaatumo ayaa maraya meel Gabogabo ah , waxaana Khaatumo ay doonaysaa in ay ku biirto maamulka Somaliland.
Ciidamo Beeleed ku sugan Buuhoodle ayaa u sheegay Cali Khaliif Galeyr in uusan ka qeyb gali karin Wadahadalada Somaliland iyo Khaatumo.
Cabdifataax Baydan oo ah taliyaha ciidan beeleedkii Buuhoodle ku xanibay Galayr shalay ayaa sheegay in aysan ku qanacsanayn wadahadalada uu kula jiro Somaliland.