AKHRISO:- Anshaxa Dhagaysiga Khudbadaha Musharixiinta U tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya

0

Maxaa ka qaldan xildhibaanada wakiilka ka ah bulshada Soomaaliyeed inay sifiican u dhageystaan oo ay ixtiraam siiyaan Khudbadaha Musharaxiinta u Tartamaya Xilka Madaxweynaha soomaaliya

Markaad Daawato goobta ay ka dhacday khudbadaha musharaxiinta waxaad dareemaysaa in aaney xildhibaanadu muujineyn ixtiraamka iyo Qadarinta inay muhiim tahay in lagu jiro waqti Doorasho meeshii ugu Danbaysay Doorashada .

Musharaxu waqtiga uu hadlayo way yar tahay waa 30 Daqiiqo markaa haday xildhibaanadii qaar Maqan yihiin kuwii joogayna iska sheekay sanayaan, Qaarna ku mash Quulsan yihiin Telefoonada ay wataan sow maaha in aaney xildhibaanadu ilaalin Anshaxa iyo xeer hoosaadka Doorashada markaa sow iskama cada inay .xildhibaanada intooda Badan ay muujiyeen inaaney wax macna ah ugu Fadhin khudbada musharaxiinta.

Saan wada ognahay maalintii shalay oo Axad ahayd ayaa la soo gaba gabeeyay dhageysiga khudbadaha Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha, waxana Doorashada Madaxweynaha ka hartay Saacado kooban.

Waa waqti aad u yar markaa hadii musharaxiintii waqtiga kaliya oo ay haysteen waxay ahay markii ay soo ban dhigayeen khudbadahooda iyo barnaamijkooda siyaasadeed ee ay wataan xildhibaanadiina si fiican u may dhageysan markaa xaalku waa Qof hore loodoortey xildhibaanow Doorta arinkaa ayaa aniga ii muuqda.

W/Qoray: Maxamed Caalim