TOOS ULA SOCO:- Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay

0

Ammaanka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan wadooyinka waa weyn ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo jidcadyaasha qaar lagu jaray dhagxaan iyo caro fara badan.

Sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda Faderaalka ujeedada ammaanka loo adkeynayo in ay tahay sidii loogu diyaar garoobi lahaa qorshaha suggida ammaanka Magaalada Muqdisho oo maalinta Arbacada ah ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Wadooyinka dhexmara xaafadaha Muqdisho, ayaa lagu arkayaa dhagxaan waaweyn oo lagu jaray iyo caro fara badan oo lagu gooyay jidcadyaasha, goobahaasi kuma arkeysid wax ciidan ah, balse waxaa yaalla oo kaliya carada iyo dhagxaanta oo aysan suuragal aheyn in gaariga uu maro.

Isgoysyada waaweyn ee Muqdisho ayaa la soo dhoobay ciidamo badan oo Boolis iyo Nabad Suggida isugu jira, halka xayndaabka Madaxtooyada lagu arkaayo ciidamo Millateri Koofi gaduud ah oo amniga madaxtooyada adkeynaya.