TOOS U DHAGEYSO:- Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Dr. Maxamuud Dirir Oo Ka Warbixiyay Muranka Jaamacada Galguduud Iyo Maamulka Gobolada Dhexe Ee Ahlusunna Oo Baaq U Diray Xildhibaanada).

0

Caabudwaaq, 5-ta FEB-2017:—-Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxa ay Idiin soo Gudbinaysaa Barnaamijkii “Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq” oo ah Barnaamij Habeen Walba aan ku Faaqidno Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Barnaamijkeena caawa waxaan kusoo qaadanaynaa oo marti noogu ah barnaamijkeena Hormuudka Jaamacada Galguduud Dr. Maxamuud Dirir Oo Nooga Warbixiyay Muranka Iyo Dadka Aan Shaqada Kulaheen ee Sheeganaya Magacii Jaamacada Iyo Maamulkeedi iyo maamulka gobolada dhexe ee Ahlusunna Waljamaaca oo baaq u diray Xildhibaanada Baarlamaanka.

Baraamijkan ayaa waxaa si toos ah uga dhageysan kartaa habeen walba shabakada caalamiga ah ee Allgalgaduud Media marka laga reebo habeenka Jimcaha ee Sabtida soo galeyso.

Waxaa Barnaamijkeena soo Diyaariyay Halkaana kasoo Jeedin doona Wariyaheena Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

Halkaan Hoose ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya