TOP NEWS:- Diyaarad qaadi lahayd Cali Khaliif Gallaydh oo Magaalada Buhoodle lagu xanibay

0

Siyaasiga Cali Khaliif Gallaydh Madaxweynaha maamulka khaatumo ayaa maanta malleeshiyo beeleed xoog iskaga hortaageen inuu ka dhoofo gegida dayuuradaha ee magaaladda Buuhoodle isagoo diyaarad yar u raaci lahaa magaaladda Jabuuti .

Dadka degaanka qaarkood ayaa waxay u sheegeen in dhawr saacadood tan iyo saaka ay xiisadi ka jirtay garoonka diyaaradaha ee Buuhoodle ka dib markii ciidan uu hogaaminaayo Cabdifataax Baydan oo sheegtay taliyaha ciidanka difaaca Buuhoodle ay iska hortaageen Cali Khaliif inuu ka dhoofo garoonkaasi . ciidankaasi oo hub watay ayaa garoonka galay oo xannibay diyaaradii qaadi lahayd Cali Khaliif iyo wafdigiisa .

Taliyaha ciidankaas difaaca Buuhoodle Cabdifataax Baydan wuxuu BBC u sheegay galabta in diyaaraddii ay sii daayeen , Cali Khaliif-na ay ka reebeen inuu u raaco diyaaradda Jabuuti oo uu kaga qayb geli lahaa sida uu sheegay wadahadallo u socday Khaatumo iyo Somaliland ,wadahadalladaasi oo uu sheegay Taliye Baydan inaan Cali Khaliif ku metelin dadka deegaanka Buuhoodle .