TOOS U DHAGEYSO:- Burcad Hubeysan Oo Boob Ka Geystay Suuqa Bakaaraha.

0

Dabley Hubeysan oo Labisnaa dareeska Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhac kula kacay Goobo Ganacsi oo ku yaalla Suuqa Weyn ee Bakaaraha.

Wararka ayaa sheegaya in Dableydaas oo iska dhigayay in ay yihiin laamaha dowladda ee Canshuur qaadista qaabilsan ay jabsadeen Qasnado ganacsatada ay lacago ugu jireen.

Waxaana la sheegay in ay qaateen lacag dollar iyo Shiling Soomaali isugu jirtay sida ay xaqiijiyeen Ganacsatada Suuqaasi Bakaaraha oo qaarkood Shabelle la hadlay.

“ Kun iyo Labo Boqol dollar iyo Seddex iyo Toban Million oo Shiling Soomaali ah ayey qaateen , waan ku raad joognaa meesha ay ka tirsan yihiin, meesha dhaca uu ka dhacay waa Agagaarka Carwo Liimooni” sidaas waxaa yiri mid ka mid ah Ganacsatada dhaca loo geystay ee Suuqa Bakaaraha.

Arrintaan ayaa ku soo beegmeysa iyadoo lagu guda jiro xilli kala guur ah islamarkaana Ciidamada dowladda Federaalka ay yihiin kuwa Mushaar la’aan ay daashatay.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media