DHAGEYSO:- Guddoomiyaha G/Banaadir “ Wadooyinka Muqdisho Waa la Xirayaa, Magaaladuna Waa Bandow Laba Maalmood".

0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa Saxaafadda u sheegay in la xiraayo wadooyinka Magaalada Muqdisho, sidoo kalena la xadidaayo dhaqdhaqaaqa dadweynaha Muqdisho.

Duqa Muqdisho, ayaa sheegay laga bilaabo berri maqribkii inay xiran yihiin wadooyinka Magaalada Muqdisho, ayna sii xirnaan doonaan maalmaha Talaadada iyo Arbacada ee ina soo aadan.

Waxa uu sheegay ujeedada wadooyinka loo xiraayo inay tahay suggida ammaanka Magaalada, maadaama Arbacada ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa sheegay Hay’adaha Waxbarashada inay fasaxaan Iskuulaadka iyo Jaamacadaha, maadaama Ardayda aysan aadi karin waxbarashada, mar hadii la xiraayo wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Hoos ka Dhageyso Codka:-