XOG XASAASI AH:- Feysal Waraabe oo weerar ku qaaday Xasan Sheekh & Xildhibaanada labada Aqal

0

Guddoomiyaha xisbiga Ucud ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe, ayaa si adag uga hadlay Doorashada dhawaan ka dhici doonta magaalada Muqdisho.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Doorashada Somalia ay tahay mid dadban isla markaana ay Dowlada Somalia ku hingowday inay qabato Doorasho nin iyo codkiisa ah.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Xasan Sheekh uu xaalad adag galiyay Somalia, kadib markii uu si cad uga weecday dhammaan sharciyadii lagu hor marin lahaa Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Feysal Cali Waraabe, waxa uu tilmaamay in Madaxweynaha Somalia ay dooran doonaan Xildhibaano aan lagu soo xulin nidaam dowladnimo,waxa uuna sheegay in dhamaantooda ay diyaar u yihiin inay qaatan lacago laaluush ah.

”Waxaa nasiib darro ah in la dhiso Aqalka Sare ee dalka oo aan laheyn wax sharci ah, waxaan la socnaa in Xildhibaanada ceynkaasi lagu dhisay inaysan u ololeyn doonin horumarka dalka waxa ayna dhaqaale ku uruursanayaan codadkooda”

Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay in dalka uu u kala qeybiyay 5 qeyb oo aan is aqoonsaneyn, waxa uuna tilmaamay inaanu arag Dowlad ka liidata Dowlada Somalia ee uu hogaaminaayay Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh ayuu ku eedeeyay inuu kala dhantaalay wadahadaladii u socday Dowlada Somalia iyo Somaliland, waxa uuna ficilkaasi ku tilmaamay mid halis galinkara isku imaatinka Somalia.

 

Feysal Cali Waraabe, waxa uu shaki galiyay in Doorashada ay ka harsan tahay labada maalin ay ku dhacdo si nadiif ah, waxa uuna meesha ka saaray in Doorashadu ay noqon doonto mid cadaalad ah.

Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia ayuu uga digay inay doortaan Musharax mugdi galinaaya jiritaanka Somalia, waxa uuna ku taliyay in la doorto Musharax waxbadan kusoo biirinkara dalka.

Haddalka Feysal Cali Waraabe, ayaa imaanaya xili maalinta Arbacada ah magaalada Muqdisho ay ka dhici doonto Doorashada Madaxweynaha oo ay ku tartami doonaan 24 Musharax.