Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya qaarkood ayaa ku hanjabay shaqo joojin iyo inay kasoo baxayaan furamahooda, ayaga oo ka carreysan halka lagu qabanayo doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee dhaceysa sideeda bishan.
Doorashada oo markii hore la qorsheeyey in lagu qabto Xarunta Dugsiga Tababarka Booliska ee School Polizio, ayaa waxaa hadda lagu warramayaa in loo wareejiyey dhisme ku yaala inta u dhaxeyso Garoonka Aadan Cadde iyo Xaruntii Ciidamada Cirka ee Afisyoone, oo ciidamada Amisom iyo beesha caalamka ay maamulaan.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii musharaxiin badan, gaar ahaan Sheekh Shariif, Farmaajo iyo Cumar Cabdirashiid ay dalbadeen in doorashada lagu qabto Xalane, ayaga oo sheegay inaysan ku kalsooneyn inay amnigooda sugaan ciidamada Soomaalida.
Si kastaba, saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaalida ayaa Caasimada Online u sheegay inay arrintan u arkaan sharaf dhac lagu sameynayo ciidamada qaranka iyo magaca Soomaaliya, sidaas darteedna aysan aqbali karin.
“Waxaa yaab leh in marna ay leeyihiin dalka shisheeye ayaa haysta, marna ay leeyihiin Soomaalida kuma kalsoonin oo shisheeyaha hana ilaaliyo” waxaa sidaas yiri sarkaal ka tirsan ciidamada milatariga oo codsaday inaan la magacaabin.
Musharaxiinta qaar ayaa horey ugu dooday inaysan naftooda ku aamini karin ciidamada Soomaalida, hase yeeshee sida laga bartay qaraxyadii dhowaanahan ka dhacay Muqdisho, ciidamada Amisom ayaa gadaal isku dhiga marka xaaladdu xumaato, waxaana naftooda hurayey ciidamada Soomaalida.
Lama yaqaan halka ay arrintan ku dambeyn doonta, waxaase socda dadaallo xal looga gaarayo.