XOG CUSUB:- Xildhibaano diyaariyay Mooshin cusub & Khilaaf weyn oo ka taagan Goobta Doorashada

0

War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in Xildhibaanada Baarlamaanka Somalia, ay bilaabeen diyaarinta Mooshin degdeg ah kaa oo lagu burburinaayo in Doorashada Madaxweynaha lagu qabto Afisiyooni.

Mooshinkaani oo si xooli ah diyaarintiisa looga dareemaayo Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa hor boodaaya Musharaxiinta ka tirsan Baarlamaanka iyo Xildhibaano aad u farabadan.

Mooshinkaani ayaa waxaa lagu wadaa in Saacadaha fooda nagu soo haya loo gudbiyo Guddiga Doorashooyinka

Madaxweynaha oo ku dhagan in Doorashada lagu qabto gudaha Xerada Afisiyooni ee magaalada Muqdisho.

Mooshinkaani ayaa waxaa lagu dalbanayaa in Doorashada Madaxweynaha lagu qabto Garoonka Aadan Cadde, gaar ahaan Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa ku doodaaya in ujeedka Doorashada loogu qabanaayo Afisiyooni ay tahay in Musuq­maasuq lagu sameeyo Doorashada Madaxweynaha.

Musharaxiinta ka tirsan Baarlamaanka Somalia, ayaa sidoo kale ku doodaaya in tirro Taliyayaal Ciidan lagu amray inay carqaladeeyan Doorashada, haddii laga cod bato Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekh.

Khilaaf weyn ayaa ka taagan Doorashada xili ay ka harsan tahay muddo 2 Cisho ah, waxa uuna Khilaafku yahay halka lagu qabanaayo Doorashada.

Qoraal ay Xildhibaanada u gudbiyeen Guddiga Doorashada ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in halis uu ku jiro amaankooda haddii ay ka codeeyaan Xasan Sheekh.

 

Musharaxiinta ayaa iyaguna wadnaha farta ku haya waxa ayna sheegen in dilal loo qorsheeyay xiliga Doorashada ka hor.

Sidoo kale, Xildhibaanada Mooshinka wada ayaa Guddiga ka dalban doona in Mooshinkaasi lagu dhaqan galiyo saacado kooban gudaheeda.

Tani ayaa imaaneysa xili Taliyaha Booliska Somalia Maxamad Sheekh Xasan Xaamud shaaca ka qaaday in Taliska Booliska iyo Ciidamaduba ay taageersan yihiin Madaxweynaha uu wakhtigiisu dhammaaday Xasan Sheekha.