DHAGEYSO:- Soomaalida Dalka Koofur Afrika oo walaac ka muujisay dilalka ka dhaca Dalkaasi

0

Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika gaar ahaan Magaalada Cape Town oo warbaahinta gudaha la hadlay ayaa waxa ay sheegeen in ay walaac ka muujinayaan dilalka dhalinyarada Soomaaliyeed loogu geysto dalkaasi.

Waxa ay sheegeen mar walba in ay ku nool yihiin cabsi iyo cakirnaan la xiriirta dhanka nolosha, maadaama burcada Koonfur Afrikaanka ah dilalka ay Soomaalida u geysanayaan sii kordhayaan.

Sidoo kale waxa ay sheegeen cabsidooda in ay sii xoogeysatay, kadib markii Todobaadkii aynu soo dhaafnay dalka Koonfur Afrika, gaar ahaan baadiyaha lagu dilay Saddex dhalinyaro Soomaaliyeed, inkastoo Booliska ay arrintaasi baaritaano ku hayaan.

Hoos ka Dhageyso Codka:-