Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Qarax miino lagu beegsaday Maqaaxi ku taalla Degaanka Goobweyn ee Duleedka Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Qaraxan oo u muuqday mid meesha lagu diyaariyay ayaa waxuu khasaaro dhaawac ah ka soo gaaray Hal Ruux oo Shacab ah.
Maqaaxida Qaraxan lagu beegsaday ayaa qiyaas ahaan 13Km waxey u jirtaa Magaalada Kismaayo, waxaana inta badan fariista Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubaland.
Ciidamada Maamulka Jubaland ayaa lagu soo waramayaa in ay bilaabeen howlgallo ku aadan Qaraxaasi balse weli lama soo sheegin hadii ay Dad u soo qab qabteen.
Ilaa iyo hada majiro cid sheegatay mas’uuliyada Qaraxaasi miino oo ka dhacay Degaanka Goobweyn ee Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.