DHAGEYSO:- Maamulka Jalalaqsi oo ka hadlay Nin ku dhex dhintay Kunteenar lagu Xeray

0

Maamulka Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay baarayaan nin ku dhintay Kunteera ku yaalla Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in ay baarayaan sababta keentay in ninkaasi u ku dhex dhinto Gudaha Kunteenerka.

Guddoomiyaha Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed C/dulle Fiidoow ayaa sheegay in ninka dhinta iyo labo kale ay Ciidanka AMISOM Ku Xereen Kunteenar ku yaalla degmada Jalalaqsi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ninka uu Madax ku garaacay Kunteenarka isla markaana ay keentay in uu dhinto sida uu sheegay Guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay Saraakiisha AMISOM kala hadlayaan arrinta dhacday.

Hoos ka Dhageyso Codka:-