Sweden(AGGM) 25-kii Bisha September waxaan Wall-keyga ama gidaarka Facebook-ga qeybta aan sida shaqsiga ah u isticmaalo ku soo qoray in Ra’iisulwasaraha Soomaaliya uu iscasilayo, durbadiibana dad badan ayaa isoowaydiiyay halka ay xogtaasi iga soo gashay balse umaanan jawaabin xitaa haddii qaarkood ay ahaayeen milkiilashaasha Website-yadda Afka-Soomaaliga wax ku qora Sababtuna waxay ahayd sida soosocota.
Saacado kahor intaanan soodaabicin qoraalkaasi waxaan wada hadalnay dhowr kamid ah bahdda Saxaafadda inagoo isla lafa gurnay xaaladda xun ee soo wajahday war-baahinta Soomaaliyeed qaarkood gaar ahaan website-yada oo wixii ay doonaan iska daabaca iyagoon wax xun iyo wax san midna kalasaarin,kadib waxaan isla garanay in website-yadaasi intooda badan ay wararka kala dhexbaxaan sheekooyinka ay dadwaynuhu iskuwaydaarsadaan bogaggooda Facebook-ga kadibna Sawiro been ah kuradsadaan.
Bal si aan u xaqiijino arintaasi ayaa aniga iyo Wariye Saalax Cusmaan Diiriye ( Salax Sonna )waxaan boggageena Facebook-ga kusoo qornay Laba dhacdo oo kaladuwan kala ahaana “WAR DAG DAG AH….Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa la xaqiijiyey in uu xilka ka dagi doono marka uu ka soo laabto safarka uu ku joogo qaaradda Yurub. Wadahadal dhex maray isaga iyo Madaxweynaha Waxaa la isku afgartay in xillka uu wareejiyo Waxaa lagu dhawaaqayaa maalinta xilwareejinta markuu dib usoolaabto..” Warkaasi oo ahaa mid aan xaqiiq ahayn iyo Dhacdada kale oo ahayd”Warar duul-duul ah: Boqol askari oo ka tirsan ciidanka Gaashaan ama Alpha Group oo xalay loo qaaday Nairobi si ay uga qayb qaataan samatabixinta dadka lagu haysto West-gate. Gaashaan waxa ay qabaan tababar caalami ah oo la dagaalanka argagixisada ah” Labadaasi war Waxaa laga yaabaa aqriste in aad website ka aragatay balse waxay ahaayeen laba tijaabo oo loola danlahaa in lagu ogaado waxa ka jira in website-yada qaarkood iska qaataan wax aysan ogeyn halka ay asal ahaan kasoobaxeen ama waxa looyaqaano “Sources” Isha ay dhacdadu kasoobaxayso.
Inkastoo aanan wali arag war-baahin qaadatay labadaasi dhacdo ee tijaabada ahaa haddana waa suura gal in aysan dhagaaaha kucusbneeyn oo aad meel un ka aragtay ,haddii ay taasi jirto waxaa muuqata in uusan jirin wax hubsiimo ah oo ay leeyihiin website-yaddii aad ka aragtay labadaasi dhacdo.
Waxaa kale oo xusid mudan in booqadaha website-ku uusan mardanbe ku soonoqon website-ka uu beenta ku arko taasoo hoos u dhac ku keenaysa in website-kaasi helo cid booqata ama warkiisa rumeysata sidaa daraadeed ayeey iskubadalaan meel dadka lagu caayo ama lagudaabaco Sawirada anshax darada ah bal si ay u helaan qof halmar booqda.
Sida muuqata labada sano ee soo socota haddii alle karaali noqdo waxaa hawada kabaxaya intooda badan website-yada waxyaabahaasi daabaca kadib markii ay waayaan cid booqata shirkadda GOOGLE-ku ka mamnuucdo xayasiinta ay dadka kuwaaleen ee ay aaminsanyihiin in Lacag laga sameeyo.
W/Q Maxmed Cabdullahi Siidii
Xigasho:Wariyaha.com
Isha Ku Hay Allgalgaduud
Allgalgaduud@gmail.com