DHAGEYSO:- Gen. Maxamed Nuur Galaal Hadalkuu Ka Yiri Hargeysa Ee Ahaa ( Igadaa Kaas) Hadal Kalaa Ka Horeeyay Oo Uu Horey U Yiri.

0

Maalmo ka hor ayay ahayd markii Gen. Maxamed Nuur Galaal isagoo ku sugan magaalada Hargeysa mar uu wareesyi siiyay Warbaahinta ayaa markii lasoo hadal qaaday Allaha u Naxaristee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre waxa uu yiri (Igadaa Kaas) hadalkaas oo hadalkiisi ka horeeyayna waxbadan ka duwanaa.

Gen. Maxamed Nuur Galaal, ayaa waxa uu warbaahinta VOA uga warbixiyay kulan uu goob-joog ka ahaa kulankaas oo dhex-maray Allaha u Naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre, Fidal Castro iyo Mengistu Haile Mariam kulankaas oo ka dhacay dalka Yamen.

Gen: Galaal waxa uu yidhi sidan soo socota: Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre waxa uu yiri Soomaali oo dhan hadii isku meel la marsiinayo iyada oo ay ku jirto Soomaali Galbeed, waxba kama qabno inaan la heshiino Ethiopia, sida muuqata waxa aad hadalka ka dareemi kartaan in uusan wali dhicin dagaalkii 1977, lkn waa la isku hub aruursaday.

Dhiaca kale Hadii aad dhibsatay ama aad la yaabtay hadalkii kasoo yeedhay isaga oo Hargaysa jooga ee ahaa (iga daa kaas), bal hadana dhagayso mar sii horaysay oo uu Xamar joogay isaga oo leh allaha u naxariisto Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.

Isku soo wada duuboo Gen. Maxamed Nuur Galaal ma waxuu noqday nin haddba qoladuu la jooga waxay jecel yihiin u sheega mise waxa uu u haystaa warka uu ku hadlayo inaan la diiwaan galinayn oo markii loo baahdana aan wax laga weeydiinayn amaba bulshada loo soo bandhigeyn?

HOOS KA DHAGEYSO