Munaasabada lagu dhagax dhigayay dhismaha Jaamacadda Galgaduud ayaa lagu qabtay dhul loogu talagalay in ay yeelato Jaamacada, waxaana ka qab galay munaasabada dhagax dhiga Jaamacada Maamulka Jaamacada , Masuuliyiin ka socotay Maamulka Degmada, qaybaha Bulshada iyo ardada wax ka barata Galgaduud Universty.
Madaxa Arimaha Bulshada Maamulga degmada Muuse Maxamed Axmed (Muuse inji) iyo Maamulaha Jaamacadda Galgaduud Universty Maxamuud Dirir ayaa wada jir u dhagax dhigay dhismaha Jaamacadda.
Maamulaha Jaamacada Galgaduud Maxamuud Dirir ayaa dhagax dhiga ka dib ka hadlay Jaamacadda iyo heerarkii ay soo martay mudadii ay jirtay.