Munaasabada lagu dhagax dhigayay dhismaha Jaamacadda Galgaduud ayaa lagu qabtay dhul loogu talagalay in ay yeelato Jaamacada, waxaana ka qab galay munaasabada dhagax dhiga Jaamacada Maamulka Jaamacada , Masuuliyiin ka socotay Maamulka Degmada, qaybaha Bulshada iyo ardada wax ka barata Galgaduud Universty.
Madaxa Arimaha Bulshada Maamulga degmada Muuse Maxamed Axmed (Muuse inji) iyo Maamulaha Jaamacadda Galgaduud Universty Maxamuud Dirir ayaa wada jir u dhagax dhigay dhismaha Jaamacadda
Maamulaha Jaamacada Galgaduud Maxamuud Dirir ayaa dhagax dhiga ka dib ka hadlay Jaamacadda iyo heerarkii ay soo martay mudadii ay jirtay.
Madaxa Aimaha Bulshada maamulka degmada Muuse inji oo hadal kooban ka jeediyay Munaasabada ayaa sheegay inay qaadan doonaan qaybta uga aadan dhismaheeda
Nuur Xuseen oo ku hadlay magaca ardada wax kabarata Galgaduud Universty ayaa sheegay in ay farxad u tahay in jaamacada ay yeelato boos u gaar ah.
HOOS KA DHAGEYSO
Wariye C/kariin Axmed Bulxan
Caabudwaaq/Somaaliya