TOOS U DHAGEYSO:- Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. (Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Magaalada Caabudwaaq, Dil Loo Geystay Mid Kamid Ah Ergadi Cadaado Iyo Baaqyo Nabaddeed).

0

Caabudwaaq, 16-ka Nov -2016:—-Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaasha Shabakada Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxaa Idiin soo Gudbinaynaa Barnaamijkii “Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq” oo ah Barnaamij Habeen Walba aan ku Faaqidno Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Deegaanada Waqooyiga Galgaduud iyo guud ahaan gobolada dalka.

Barnaamijkeena caawa waxaan kusoo qaadanaynaa dagaal culus oo maanta ka dhacay magaalada Caabudwaaq, Dil loo geystay mid kamid ahaa ergadi dooranaysay xubnaha aqalka hoose isagoo ku sugan magaalada Cadaado iyo Baaqo Nabaddeed oo loo dirayo dhinacyada ku dagaalamayay maanta magaalada Caabudwaaq.

Baraamijkan ayaa waxaa si toos ah uga dhageysan kartaa habeen walba shabakada caalamiga ah ee Allgalgaduud Media marka laga reebo habeenka Jimcaha ee Sabtida soo galeyso.

Waxaa Barnaamijkeena soo Diyaariyay Halkaana kasoo Jeedin doona Wariyaheena Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

 

 

Halkaan Hoose ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya