DHAGEYSO:- Cumar C/rashiid oo dhaliilay qaabka Soomaaliya ay u isticmaashay Nidaamka Federaalka

0

Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in nidaamka Federaalka uu noqday mid aan lagu degin oo  ay ku dagaalameen qaar ka mid ah maamulada ka jira dalka.

Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa sheegay in ay haboon tahay in dib u eegis lagu sameeyo nidaamka federaalka , madaam uu mushkilad cusub uu soo kordhiyay.

Sidoo kale Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in maamulada Puntland iyo Galmudug looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan ammaanka Magaalada Gaalkacyo ,madaam magaalada ciidamada jooga ay kala tirsan yihiin labada maamul.

Puntland iyo Galmudug ayuu ugu baaqay in aysan si khaldan u fahmin Federaalka , waxaana uu sheegay in ay haboon tahay in labada dhinaca ay xakameeyaan ciidankood.

Hadalkaan ayaa Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya  waxa uu ka sheegay kulan looga hadlaayay colaada Magaalada Gaalkacyo oo shalay ka dhacay Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-