TOOS U DHAGEYSO:- Dagaalkii Gaalkacyo Ee Maanta Oo Ka Kululaa Dagaaladii Hore.

0

Ayadoo weli rasaasta iyo hugunka madaafiicda  laga maqlaayo gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug ayaa wararku waxa ay sheegayaan in dagaalkaas lagu hoobtay islamarkaana dhimashada iyo dhaawaca caga cageynayaan ilaa 60 qof oo shacabka iyo askar isugu jirta.

Isbitaalada Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa la geeyey Dhimashada 18 Askari iyo Dhaawaca 12 kale oo ka tirsan Ciidamada Maamulka Puntland, halka Dhanka koonfur la geeyey 14 Askari iyo Dhaawaca 19 kale oo Ciidamada Galmudug ah, Weli lama oga Khasaaraha dhanka Shacabka soo gaaray.

Labada dhinac ayaa mid waliba ku eedeeyay in dhinaca kale dagaalka soo qaaday inkastoo shacab aad u farabadan dagaalkaas waxyeelo kasoo gaartay.

Goobaha caafimaadka ayaa lagu daad gureynoyaa shacabka farabadan oo waxyeelo kasoo gaartay dagaaladaas inkastoo aan socon waan wan dagaalka lagu qaboojinaayo.

 

HOOS KA DHAGEYSO