Nin ku Hubaysan Qoriga AK47 Ayaa Duhurnimadii Maanta Degmada Caabudwaaq si Bareer ah ugu Dilay Wiil Dhalinyaro ah oo kamid ahaa Dhalinta Deegaanka.
Dilkaan loo Gaystay Marxuumka Geeriyooday ayaa loo badinayaa inuu daba socdo Dilal ku salaysan Aanooyin Qabiil oo udhaxeeyay Beelaha ay kasoo kala Jeedaan Marxuumka dhintay iyo Dilaaga wax Dilay.
Waxgaradka Caabudwaaq ayaa aad uga caroodaan Dilka Maanta Dhacay iyo Guud ahaan Dilalka ku salaysan Qabiilka ee kusoo laalaabtay Degmada Caabudwaaq.
Nabadoon Cismaan Gurxan Muuse Cawl oo ku magac Dheer (Cismaan Cune) oo ka mid ah Nabadoonada waawayn ee Degmada Caabudwaaq waxa uu dhacdadaasi iyo siday u arkaan uga waramay Wariyaha Warbaahinta Allgalgaduud Media Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.