Wararka ka imaanaya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in halkaasi goor dhow uu ka dhacay qarax aad u xoogan, kaasi oo la sheegayo in lala eegtay xero ay ciidanka Jabuuti ku leeyihiin halkaasi.
Qaraxa lama sheegin inuu yahay Ismiidaamin iyo in kale, waxaana la maqlayaa rasaas aad u xooggan oo ka socota halkaasi, iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in xeradan ay galeen dagaalyahanno Al-shabaab.
Isgaarsiinta B/weyne ayaa hawada degdeg looga saaray, iyadoo xaaladdu tahay mid cakiran.