DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Xildhibaan Duraan Cali Jaamac (Al Cadaala) "34 Xildhibaan Ayaa Mooshin Ka Gudbiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug".

0

Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Maanta Mooshin Xilka qaadis ah ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir,waxaana Xildhibaanada Mooshinka ku Saxiixan ay gaarayaan illaa iyo 34 Mudane.

Xildhibaanada Galmudug ee Muushinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir ayaa ku Eedeeyay Shaqo’ gudasho la’aan sida ay sheegeen.

Xildhibaan Durraan Cali Jaamac “Alcadaala” waa Gudoomiyaha Guddiga Amniga iyo Xuduudaha Baarlamaanka Galmudug oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Allgalgaduud Media ayaa waxa uu sheegay in uu ka Mid yahay Xidhibaanada Mooshinka Saxiixay.

Wariyaheena Cumar Laki Man oo ku sugan Magaalada Caabudwaaq ayuu uga waramay Arrimahaasi.

 

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media