Madaxwaynaha Soomaliya Xasan sheikh ayaa Sheegay inta aan Galmudug la Dhisin kahor in gaalkacyo ay ahayd magaalo qof masuul ah uusan ku hoyan karin, hada oo galmudug Ku dhawaad toban sano jirsatay gaalkacyo ay noqotay magaaloyinka ugu horeeya Soomaaliya.
Madaxwaynaha Waqtigiisa uu dhamaaday ee Somalia ayaa sheegay in Amaan ay mudan yihiin Shacabka Galmudug isagoona Tibaaxay in Bulshada Galmudug ay yihiin kuwa hergeliyay Dhismaha iyo Hormarka Balaaran ee Hadda ka Jira Magaalada Gaalkacyo.
Xasan Shiikh Maxamuud oo aan lahayn Aragti Siyaasadeed oo Fog ayaa Hadalkiisaan waxa uu mar kale Abuuri karaa caro ka Timaada Maamulka iyo Shacabka Puntland Gaar ahaan Bulshada Gaalkacyo ee ku abtirsada Puntland.