Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ku guuleysatay inay noqoto haweenaydii labaad ee loo doorto inay ka mid noqoto Xubnaha Aqalka Sare ee Maamulka Galmudug ka soo gelaya Dowladda cusub ee soo socota.
Jawaahir Axmed Cilmi ayaa ka guuleysatay Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha iyo amniga C/samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo ay wada loolamayeen.
Waxa ay heshay codad gaaraya 51 cod, halka Cabdi Samad uu helay 37 cod, taasi oo muujinaysa sida guusha Kursiga Aqalka sare ay u hanatay Jawaahir Axmed Cilmi.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa Jawaahir doortay, waxaana ay noqonaysaa haweenayadii labaad ee si toos ah uga mid noqota Aqalka sare ee dalka.
Shalay ayaa waxaa Cadaado lagu doortay Shan xubnood oo ku biiraya Aqalka Sare ee dalka, waxaa ku jirtay Gabadhii ugu horeysay ee Aqalka sare loo doorto, taasi oo noqotay Zamzam Daahir Maxamuud.
Xildhibaanada Aqalka Sare ee Galmudug ka imaanaya tiradooda waa 8 xubnood, Jawaahir waxa ay noqotay qofkii lixaad ee Guuleysta, labo xubnood ayaa horay oo codeyntooda hada ay socoto.