Doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Galmudug, kaasi oo ay ku tartamaayeen 19 xubnood.
Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Dowlad goboleedka Galmudug u matala aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.
Shalay Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug waxa ay doorteen 5 xubnood oo ka mid noqon doonaan xubnaha Aqalka Sare u matalaya maamulka Galmudug.
Waxaa Saaka lagu wadaa in markale ay bilaabatay doorashada xubnaha ka dhiman Aqalka Sare ee ka imanaya deegaanada maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa in maanta la doorto 3 xubnood oo shalay kasoo haray 8 xubnood ee laga rabay maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu baaqay xubnaha baarlamaanka maamulka Galmudug in ay saaka soo xaadiraan si ay u doortaan xubnaha ka dhiman sideeda xubnood ee maamulka Galmudug u matalaya Aqalka Sare.
Hoos ka Dhageyso Codka:-