TOOS U DHAGEYSO:- Dhacdooyinka Maanta Iyo Caabudwaaq. Xiisadaha Colaadeed Ee Deegaanada Balicad Iyo Godinlabe.

0

Caabudwaaq: 15-OCTOBER-2016:—-Kulanti Wacan Dhagaysteyaal iyo Akhristeyaal Shabakada Caalamiga ah ee Allgalgaduud Media waxa ay Idiin soo Gudbinaysaa Barnaamijkii “Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq” oo ah Barnaamij Habeen Walba aan ku Faaqidno Dhacdooyinkii ugu Dambeeyay ee ka dhacay Deegaanada Waqooyiga Galgaduud.

Barnaamijkeena waxaa caawa marti inoogu ah Cabdul Samatar Maxamuud oo kamid ah dadka deegaanka Balicad ku sugan ayaa ka warbixiyay xiisada dagaal ee deegaanka Balicad iyo odaayasha iyo Waxgaradka deegaanka Xeraale oo jawaab adag ka bixiyay hadal kasoo yeeray odayaasha dhaqanka degmada Cadaado.

Baraamijkan ayaa waxaa si toos ah uga dhageysan kartaa habeen walba shabakada caalamiga ah ee Allgalgaduud Media marka laga reebo habeenka Jimcaha ee Sabtida soo galeyso.

Waxaa Barnaamijka soo Diyaariyay Halkaana kasoo Jeedin doona Wariyaheena Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

 

 

Halkaan Hoose ka dhagayso Barnaamijka Dhacdooyinka Maanta iyo Caabudwaaq.

Wariye Cumar Siciid Cabdiraxmaan (Laki Man)
Xafiiska Warqabadka Allgalgaduud Media
Caabudwaaq, Soomaaliya