DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Wasiir Cismaan Maxamed (Cismaan Dheere) Oo Aan Wax Ka Weeydiinay Dagaal Beeleedka Balicad Ee Ay Ka Qayb Qaadanayaan Ciidamada Galmudug.

0

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiisiinta ee Maamulka Galmudug Cismaan Maxamed Cali “Cismaan dheere” oo Caawa la hadlay Allgalgaduud ayaa sheegay in Galmudug aysan lug lahayn Dagaal Maanta ka dhacay Deegaano ku dhaw Xuduuda Ethopia iyo Gobolka Galgaduud ay wadaagaan.

Wasiirkaan ayaa sheegay in Galmudug ay ka xun tahay Dagaalka isagoona tibaaxay in Dagaalka uu ahaa mid udhaxeeya Laba Qabaail.

Sidoo kale wasiirka waxaynu wax ka waydiinay waxa Marqura isku soo Aadiyay Dagaalada ka curtay Gaalkacyo, Godinlabe, iyo Xuduuda Ethopia kuwaasi oo dhamaantood ay lug leedahay wuxuuna sheegay in arintaan ay tahay arimo siyaasadeed oo la doonayo sida uu yiri in lagu curyaamiyo Maamulkooda.

Waxa uu u waramay Wariyaheena Cumar Laki Man isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media