DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka Godinlabe Ahlusunna VS Galmudug Iyo Faah Faahin Dheeri Ah…

0

Dagaal xoogan oo geystay khasaare Baaxadleh ayaa maanta illaa Caawa ka soconayay Deegaanka Godinlabe oo u dhaw Magaalada Cadaado ee Galgaduud.

Dagaalka oo markii hore udhaxeeyay Maleeshiyaad Deegaanka ah iyo Ciidan ka tirsan Galmudug ayaa waxaa Gadaal kaga soo biiray Ciidan taabacsan Ahlusunna oo kayimid Dhuusamareeb kuwaasi oo caawiyay Maleeshiyaadkii Deegaanka.

Deegaanka oo soo gaaray illaa caawa ayaa waxaa la xaqiijiyay in tiro badan oo dagaalamayaasha ay dhinteen sidoo kale waxaa la xaqiijiyay inuu dagaalka ku dhintay Taliyihii Guud ee Ciidanka Ahlusunna Waljamaaca.

Dhaawacyo badan ayaa la geeyay isbitaalo ku yaal Cadaado iyo Dhuusamareeb.

Isgaarsiinta Deegaanka Godinlabe ayaa aad uliidata iyadoona aan la ogaaan karin Xaalka iyo cidda hadda maamusha Deegaanka.

Labada Maamul oo aan xiriiro kala duwan la sameenay way ka gaabsaday ka hadalka Dagaalkaasi.

Wariyaheena Cumar Laki Man ayaa isagoo ku sugan magaalada Caabudwaaq waxa uu la xiriiray Suxufi Cabdullaahi Warsame oo kamid ah wariyaasha Dhuusamareeb aadna ula socda waxa kajira Godinlabe.

 

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media