DHAGEYSO WAREYSI GAAR AH:- Gudoomiye Aadan Cabdulle Galaal (Aadan Gebi) "Ciidami Iyo Gaadiidki Dagaalka Galmudug Ayaa Ka Dagaalamaya Balicad".

0

Dagaal oo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed ku kala Abtirsada Dhabad iyo Galmudug ayaa saakay ka qarxay Deegaano dhaca Xuduuda Gobolka Galgaduud uu la wadaago Dalka Itoobiya.

Iyadoona Dagaalkan uu wejiyo badan lahaa ay markii dambe si toos ah  ugu soo biireen Gaadiid Dagaal iyo Ciidamo Hubaysan oo ka tirsan Maamulka Galmudug kuwaasi oo kasoo amba baxay Degmada Gelinsoor isla markaana Dagaalka ku caawiyay Mid kamid ah Beelihii Dagaalamay.

Dagaalka oo saddax jeer oo uu maanta dhacay ayaa wuxuu geestay Khasaare kala duwan iyadoona la sheegayo in dhimashadu ay ku dhawdahay 10 ruux halka dhaacana intaasi uu ka badan yahay.

Gudoomiyaha Degmada Dhabad ee Gobolka Galgaduud Aadan Cabdulle Galaal “Aadan Gebi” oo la hadlay Warbaahinta caalamiga ah ee Allgalgaduud Media ayaa sheegay in Dagaalka uu yahay mid siyaasadeed isla markaana Galmudug ay ku dooneyso in ay sii Huriso Colaadaha soo jireenka ee u dhaxeeya Beelaha Wada Daga Deegaanadaasi.

Gudoomiye Aadan Gebi oo ku sugan Dhabad ayaa dagaaladaasi uga waramay Wariyaheena Cumar Laki Man oo ku sugan magaalada Caabudwaaq.

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media