TOP DHAGEYSO:- Maamulka Ahlusunna oo sheegay iney Maxaabiis iyo gaadiid dagaal ay ka qabsadeen Galmudug

0

Ciidanka maamulka Ahlusunna iyo Maleeshiyaad dhigtay Isbaaro ayaa dagaal kula wareegay deegaanka Godinlabe ee Galgaduud ka dib dagaal ay la galeen ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug.

Afhayeenka maamulka Ahlusunna Mursal Xeefoow ayaa sheegay in ciidanka maamulka Galmudug ay ka qabteen maxaabiis , islamarkaana dhawaan ay soo bandhigi doonaan warbaahinta.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa lagu soo waramaya in ay dib uga soo baxeen magaalada , islamarkaana ay joogaan meel ku dhow deegaanka Godinlabe.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa doonaayay in ay qaadaan isbaarooyinka yaalla duleedka deegaanka Godinlabe.

Maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigtay ayaa lagu soo waramaya in dadka ay qaadaan lacag aad u farabadan ,islamarkaana cabashooyin badan ay ka timid dadka shacabka ah.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan dagaal ku qaaday isbaarooyin badan oo yaallay duleedka magaalada Gaalkacyo.

Hoos ka Dhageyso Codka:-