Ugaas Cabdirashiid Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta Allgalgaduud media ayaa waxa uu sheegayn in ay tahay wax laga xumaado in maamulka Galmudug ay yiraahdaan beesha Sade hal kursi ayay ku yeelanayaan xubnaha aqalka sare.
“Waa dulmi waxan mana ahan in dadku qaataan ee waa inay diidaan, beel beelo kale wax umma qaybiso, beel beel kale hoostag in la yiraahdana wax shaqeenaya ma’ahan sidaa awgeed beesha Sade waxaan ugu baaqayaa in waxaan u cuntamin aysan qaadan ha isaga baxeen Galmudug hana kusoo laabtaan deegaankooda.
Ugaas Cabdirashiid Ugaas Ciise Ugaas Cabdulle ayaa dhanka kale waxa uu sheegay in dulmiga beeshan lagu hayo uu ka jirin oo kaliya Galmudug ee uu ka jiro xataa Jubbaland.