XOG:- Beesha Sade Oo Shan Xildhibaan Loogu Darayo Baarlamaanka Galmudug.

0

Wararka naga soo gaaraya ilo wareedyadeena kala duwan ayaa waxa ay sheegayaan in Beesha Sade loo kordhinayo tirada Xildhibaanada ee ay ku leeyhiin Baarlamaanka Galmudug.

Warkan ayaa intaasi waxa uu ku darayaa kulamo dhawaanahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxa ay u dhaxeeyeen Maamulka Galmudug iyo Odayaasha dhaqanka iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeeda Beesha Sade

Dhamaan kulamadan ayaa waxa ay kusoo dhamaadeen is afgarad kuwaas oo leysla gaaray in Beesha Sade loogu daro Baarlamaanka Galmudug shan xubnood oo dheeri ah iyo qodobo kale.

Tirada Xildhibaanada beesha Sade ay ku leeyihiin Baaramaanka Galmudug ayaa waxa ay noqonaysaa 21-tan Xildhibaan.

Dhinaca kale Waxaan la ogeyn ilaa hadda qaabka loo qaybsan doono shantan xubnood ee cusub ee kusoo biiraya Xildhibaanada maamulka Galmudug.

Isku soo wada duuboo waxaa lagu wadaa in dhawaan ay gaaraan magaalada Cadaado Ugaaska beesha Sade Ugaas Axmed Bare Cali iyo Wafdi uu hogaaminayo si ay halkaas uga sii anba qaadaan dhameystirka heshiiska Galmudug iyo Beesha Sade.

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media