Banaabax weyn oo looga soo horjeedo Wareejiyayaasha Itoobiyaanka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.
Dadweynaha isugusoo baxay mudaharaadkaan ayaa sheegay inuu halis ku jiro mustaqbalka deegaanada Puntland, haddii aan si degdeg ah wax looga qaban qulqulka Itoobiyaanaka iyo dhaqamada qalafsan ee ay bulshada kusoo kordhiyeen.
Dadkan isugusoo baxay oo ubadnaa dhalinyaro ayaa dowladda Puntland ugu baaqay inay dhaqan galiso go’aankii lagu mamnuucay wareejiyaayaasha Itoobiyaanka ee kasoo baxay wasaaradda amniga Puntland.
Hoos Ka Dhageyso