Axmed Village: “ Anigu Kuma lug Lihi Sirdoonka Ingiriska oo Kooxda Shabaab ay igu Tilmaameen”

0

0ACF152E-1EDE-447A-AADB-A7804C1A1565_mw1024_n_s-359x350Muqdisho(AGGM) Milkiilaha Baar laga cunteeyo oo Argagixsada Al Shabab ay ku tilmaameen in uu ka tirsan yahay Sirdoonka Dalka Ingirsika,  ayaa sheegay in Adeegyadii  bulshada ay u hayeen,  aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin,  weeraradii shalay lagu qaaday mid ka mid ah xarumaha ganacsi ee uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.

Axmad Jaamac Maxamed oo ku magac dheer Axmed  Village oo  ah Milkiilaha maqaayadda The Village oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay dhibaatada argagixisada Al Shabab ay baarkiisa ugu geysteen Dad shacab ah oo aan waxba galabsan,  kuwaasi oo isugu jiray Caruur,Arday,  Haween, iyo Dad wadada marayay

Axmaed Village ayaa sheegay in Baarkiisu uu ka madax banaan yahay wax siyaasad ah,  isagoo iska fogeeyay in uu wax xiriir ah la leeyahay sirdoonka Engiriska ee M.I5 kadib markii arintaasi Al Shabab si xishood la’aan ah ay ku baneysteen weeraradii argagixiso ee shalay lala beegsaday Baarka The Village iyo kii ka horeeyay ee sanad ka hor ay ka geysteen  halaasi oo ay ku nafwaayeen shalay dad kor u dhaafaya 15 qof.

Axmed Village ayaa hadalkiisa intaa raaciyay in Qaraxyada lala beegsanayo xarumihiisa ganacsi aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin shaqooyinka ganacsi ee ay dalka ku maalgashanayaan.

Axmed Jaamac Maxamed ayaa ka mid ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u istaagay in ganacsatada Soomaaliyeed ay ku dhiiradaan maalgashiga dalkooda hooyo gaar ahaan kuwa ka soo laabtay dalka dibadiisa.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com