Falaagada Arxanka Daran Ee Al- Shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Qaraxyadii Maanta Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

0

Shabaab-afduub1Muqdisho (AGGM): Falaagada Arxanka daran ee Al Shabaab  ayaa sheegatay mas’uuliyadda weeraro qaraxyo ah oo maanta barqadii   ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya

Sida ku xusan war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska war-faafinta ee kooxda xariirka laleh Al-qaacida qaraxyada ayaa lala beegsaday halka loo yaqaano maqaayadda  The Village  ee ku taalla degmada  Xamarweyne, halkaas oo ay ku sheegeen in ay tahay xarun  ay isugu yimaadaan  Jawaasiis Soomaali iyo ajaanib isugu jirta.

Warka kasoo baxay falaagada burcad diimeedka ee Al Shabaabka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Maqaayada weerarka lala eegtay oo sanadkii horana dad badan lagu laayay kadib weeraro nuucaan oo kale ah oo xilli maqrib ah lagu qaaday in  ay leeyihiin shaqsiyaad cadaw ku ah iyaga oo gacan saar laleh mid kamid ah hay’adaha Sirdoonka wadamada Reer Galbeedka.

Bayaanka ayaa lagu yiri, “Xarakada Shababaab Mujaahidiin (XSHM)” waxa ay sii wadi doonaan beegsiga goob walba oo uu cadawgu u adeegsanayo dhibaataynta iyo hagardaamada dadka Muslimiinta ah, haddii ay tahay xarun Milatari oo muuqata ama mid Sirdoon oo qarsoon, illaa inta Cadawgu uu ka quusanayo himilooyinkiisa guracan ee ka dhanka ah dadka Muslimiinta Soomaaliyeed”.

Falaagada burcad diimeedka ah ee Al Shabaab ayaa waxa ay ku tilmaameen milkiilaha maqaayada nin cadaw ku ah iyaga iyaga oo yiri, “Maqaayada The Village ee maanta weerarada Qaraxyada ah lala beegsaday ayaa waxaa leh nin la sheegay inuu ka yimid waqti dheerna ku noolaa wadanka Ingiriiska, kaas oo gacan saar laleh Hay’addaha  Sirdoonka Ingiriiska ee loo yaqaanno  MI6 iyo MI5, waxaana maqaayada inta badan isugu yimaada Saraakiisha Dowlada iyo Laamaheeda Ammaanka, Waana Maqaayad ka gadisan Maqaayadaha kale ee Muqdisho ku yaalla iyadoo leh Ciidamo gaar ah oo ammaankeeda ilaaliya”. waa sid aay hadalka u dhigeen.

Isha Ku Hya Allgalgaduud Media
allgalgaduud@gmail.com