DHAGEYSO+FAAHFAAHIN:- Nabadoonada Lagu Dilay Magaalada Caabudwaaq.

0

Kooxo hubeysan ayaa weerar ku qaaday Nabadoono iyo dad shacab ah oo fadhiyay goob Suuq ah oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Inta la xaqiiyay 2 Nabadoon oo lagu kala magacaabo Fanax Aadan iyo sidoo kale Maxamed Barre Diini ayaa ku dhintay Rasaasta ay  fureen kooxaha hubeysan waxaana sidoo kale ku dhaawacmay Nabadoono iyo dad shacab ah.

Dadka ku dhaawacmay waxaa ka mid ah Nabadoon Muuse Geelle oo ka mid ah waxgradka gobolka Galgaduud , iyo sidoo kale  7 qof oo shacab ah oo labo ka mid ah ay dumar yihiin.

Magaalada Caabudwaaq ayaa Caawa waxaa laga maqlaaya Rasaas sida ay Allgalgaduud Media u sheegeen dadka kunool degmada Caabudwaaq.

Dilalka loo geystay Nabadoonada ayaa la sheegaya in ay salka ku hayaan aanooyin qabiil oo mudo ka taagnaa degmada Caabudwaaq.

Madax ka tirsan maamulka Caabudwaaq oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in ay wadaan baaritaano ku aadan sidii loo soo qaban lahaa kooxihii ka dambeeyay dilalka caawa Ka dhacay degmada Caabudwaaq.

Xaalada ayaa caawa kacsan , waxaana magaalada laga dareemaya cabsi aad u badan , madaama wararka qaar ay sheegayaan in kooxdii dilka geystay ay magaalada Dhex joogaan.

Nabadoon Khaliif Cabdi Ibraahim oo kamid ah waxgaradka degmada Caabudwaaq oo la hadlay Warbaahinta Allgalgaduud ayaa ka hadlaaya sida ay wax u dhaceen.

 

HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Kasoo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media