Dawladda Oo La Wareegtey Ciidamadii Ahlusuna Waljameeca Ee Magaalada Caabudwaaq

0

1238816_469899366440892_620028086_nCaabudwaaq(AGGM) Taliyaha qeybta  21 aad ee gobalada dhexe ee Soomaaliya ayaa saakay la wareegay  cutubyo ka tirsan ciidamada Ahlusuna waljamaaca,  kuwaas oo dhawaan lagu biiriyay ciidamada  xooga dalka Soomaaliya.

Col. Sulub Axmed Diiriye Shabeel oo ah taliyaha ciidamada xoogga dalka soomaaliyeed ee qeybta 21 aad   ayaa saaka la wareegay cutubyo ka tirsnaa ciidamada Ahlusuna  oo ku sugnaa degmada Cabuudwaaq ee gobolka Galgaduud, kuwaas oo lagu biirinayo ciidamada xooga dalka soomaaloyeed islamarkaana tababar looga furidoono xeradi qeybta 21 ad ee Dhuusamareeb.

‘’Waxaan la wareegeynaa ciidamadii Ahlusuna ee degmadii Cabuudwaq ayaan saaka la waregnay, horena waxaan ula wareegnay ciidamadi Ahlusuna ee ku sugnaa Dhuusamareeb iyo Guriceel, tababar ayaa loo furayaa kadibna waxey helidoonaan xuquuqdooda ciidan’’ Sidaasi waxa yiri taliyaha qeybta 21 aad ee ciidamada xooga dalka soomaaliya.

Taliyaha ayaa xusay in arinta ugu muhiimsan ee la wareegida ciidamada Ahlusuna iyo isku darka ciidamada ay ka dambeysay heshiis ay dhawaan kala saxiixdeen gudoomiyaha gobolka Galgaduud iyo culuma’udiinka Ahlusuna waljamaaca.

Ugu dambeyntii saraakisha ciidamada Ahlusuna waljameeca ee degmada Caabudwaaq ayaa daboolka ka qaaday inay ku qanacsan yihiin inay ku wareegaan Ciidamada xooga dalka Soomaaliyeed isla markaasna wax badan ka qabtaan hawlaha hor yaala dawlada federaalka ah ee soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com