Saxafiyiin Muqdisho ku Xernaa oo la sii daayay

0

Wariyaasha kala ah Axmed Saleymaan iyo Raxmo Yuusuf oo mudo labo maalin ah ku xernaa Saldhiga Booliiska degmada C/Casiis ee Muqdisho ayaa Maanta la soo daayay.

Labada Wariye ayaa waxa ay ka wada tirsanaayeen oo ay ka shaqeynaayeen TV-ga Somali Chanell Xaruntiisa Magaalada Muqdisho.

Labada Wariye ayaa la xeray gelinkii dambe ee Jimcaha ka dib markii qalab ay wateen laga shakiyay xilli ay ku sugnaayeen Garoonka Kubbada Cagta ee Banaadir.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Hay’adaha amaanka ee dowlada loogu baahan yahay in wariyaasha marka ay ka shakiyaan ama ay xerayaan in ay ku soo wargeliyaan wasaarada Warfaafinta Soomaaliya.

Wariyaasha Soomaaliyeed ayaa soo dhaweeyay in Xuriyadooda ay dib u helaan labada Wariye ee lagu kala Magacaabo Axmed Saleymaan iyo Rasmi Yuusuf oo labaduba ka tirsan shaqeynaayeen TV-ga Somali Chanell Xaruntiisa Magaalada Muqdisho.

13716180_993723857392997_4835952243137259063_n