Ciidamo QM Ka Socda Oo Loo Sadaalinayo Inay Yimaadaan Dalka Somaliya

0

Congo_Fighting_1115611cMuqdisho(AGGM) War laga soo saaray kulan ay magaalada Muqdisho kuwad qaateen wakiilo ka socda QM iyo Midowga afrika ayaa waxa loga dooday sidi lo sahmin lahaa ciidamo QM ka socda oo dalka la keeno.

Walid Musse oo u hadlay guddiga labada dhinac ah ayaa warbixin siiyey Madaxweynaha oo sheegey in guddigu ay booqan doonaan gobollada Bay, Kismaayo, Beledweyne iyo Jowhar si ay qiimeyn ugu soo sameeyaan horumarka ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda, caqabadaha jira iyo sidii Qaramada Midoobey ay saacidi lahaayeen ciidanka Soomaaliyeed oo loogu heli lahaa tasiilaadkii ay ku howlgali lahaayeen. Walid Musse ayaa sheegey in Golaha Ammaanka ee QM uu ka sugayo warbixin ku aadan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya si ciidamo nabad-illaalin ah oo ka socda QM loo keeni lahaa Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Africa oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegey inuu ku faraxsanyahay horumarka ballaaran oo ay dowladdu sameysey isla markaana sheegey in Midowga Africa ay marwalba garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Isha Ku Hay Allgalgaduud

Allgalgaduud@gmail.com