Taliyaha Ciidamada Taraafikada Soomaaliya Cali Max’uud Cali ayaa ciidamada Dowladda iyo Gaadiidka Mas’uuliyiinta waxaa uu kaga cawday dhibta ay kala kulmaan.
Waxaa uu Sheegay Taliye Cali in Ciidamada Hubeysan ee saaran Gaadiidka Dowladda aan la weydiin karin Sharciga,Gawaarida ay wataan,Taargo lahayn,marka la weydiiyana uu la soo baxo Kaarka Aqoonsigiisa kadibna hanjabaad ugu daro Taraafikada isaga oo ku hanjabaya Hubka Gaariga u saaran.
Mas’uuliyiinta ugu sareysa ayuu ku eedeeyay in Gawaaridooda aysan diiwana gashaneyn,qaarna shaqaalaha Dowladda ee Rayidka ah wataan,marka la weydiiyana ay ku doodayaan sida uu sheegay in uu yahay Gaari Sarkaal,ama Wasiir,kaas oo aan lahayn Buugga Aqoonsiga iyo Taargada Gaariga.
Waxaa uu ku dooday in Ciidanka Taraafikada ay wataan Tabbeelle xoogga kaliya ee ay ku tashanayaan uu yahay kan ku jira Ciidanka Dhashiikaha wata ee Iyaga handada marka ay marayaan Waddooyinka Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya ayuu ka codsaday in ay wax ka qabato dhibaatada ay Ciidamada Dowladda ku hayaan shacabka iyo Ciidamada Taraafikada oo aysan ku ixtiraamin habka Waddo marista.
Hoos ka Dhageyso Wareysiga:-