Guddi ka socda Xarunta Midowga Afrika ee Adis ababa,ayaa waxaa ay soo gaareen Magaalada Muqdisho,Guddigan,waxaa ay howshoodu tahay in ay sahmin ku sameeyaan habka ay u dhici karto doorashada Bilaha August iyo September ka dhacaya Dalka.
Guddigan oo ka kooban 4 Xubnood ayaa waxaa ay Muqdisho kula kulmeen Madaxda Howlgalka AMISOM iyo sidoo kale Madaxda Dowladda Soomaaliya sida Ra’isalwasaare ku xigeen Max’ed Cumar Carte.
Guddoomiyaha Guddigan, Mr Olabisi Dare,ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan Wakiillada beesha Caalamka ee jooga Muqdisho,sida Qaramada Midoobey iyo Saaxiibada Soomaaliya,waxaana ay kala hadli doonaan habka ay doorashada u dhaceyso.
Wafdigan,waxaa ay la kulmeen Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Caetano Madeira , ku xigeenkiisa . Lydia Wanyoto, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka AMISOM Maj. General Nakibus Lakara.
Ra’isalwasaare ku xigeen Carte oo ay la kulmeen xubnaha ayaa u sheegay in doorashada Dadban ee ka dhaceys Dalka Guddiga loo saaray ay ku jiraan gaba gabeynta habka iyo qaabka ay noqoneyso doorashada Soomaaliya ee dhamaadka Sanadkan.