Diyaarad nooc wax basaasa ah oo aan hore loo arag nooceeda ayaa galabnimadii maanta kusoo dhacday xaafadda 1-da Maajo ee Degmada Waaberi ee Bartamaha Magaalada Muqdisho, iyadoo lahaanshaha diyaaraduna warar kala duwan kasoo baxeen.
Taliyaha Saldhiga Booliska Degmada Waaberi, Xuseen Maxamed Cabdi iyo ciidan uu horkacaayay oo gaaray halkii ay ku soo dhacday diyaarada ayaa muddo raadinayay iyadoo la sheegay inuu xareysan nin ka ag dhowaa goobta ay ku soo dhacday oo markii danbe laga soo qaaday.
Diyaaradan oo qaab Shimbir weyn u sameysan waxaa sheegtay inay leeyihiin ciidamada Nabadsugidda Soomaaliyeed ee NISA, waxaana saldhiga Waaberi ka qaatay horjooge ka tirsan NISA oo sida uu sheegay taliyaha saldhigga caddeeyay inay iyagu adeegsadaan diyaarada.
Waa markii ugu horeysay ee NISA ay sheegato inay adeegsato diyaaradaha Drones-ka.
Hoos ka Daawo Sawirada:-